Dadka Degmada Huriwaa oo ka banaan-baxaya Dhac iyo Kufsi baahsan oo Degmadaas ka dilaacay.

Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdiho ayaa Banaan-baxyo waaweyn ka dhigay halkaas iyaga oo ka cabanaya Dhac iyo Kufsi baahsan oo ay Degmadooda ka wadaan Maleeshiyada DKMG.

Boqolaal dad ah oo isku jira Rag, Dumar iyo Caruur ayaa lagu arkayaa wadooyinka Degmadaas kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah DKMG, sheegayana in Degmadooda ay ka socoto Boob aad u weyn oo ay Maleeshiyadu u geysanayno goobaha ganacsiga iyo guryaha Caadiga ah intaba.

Dadka Banaan-baxaya ayaa sheegaya in Maleeshiyada DKMG ay habeen walba jabsadaan goobaha ganacsiga, Wadooyinkana istaagayaan iyagoo dadka Moobillada iyo Lacagaha ay wataan ka qaadanaya, sidoo kale ay Xaafadaha soo galaan iyagoo Dumarka Kufsanaya.

Dadka ayaa sheegay in hadii arintaan ay sii bocoto ay Hubka qaadan doonaan ayna iska dhicin doonaan Maleeshiyada Dhibaatada u gaysanaysa, waxaana jirta mar iyagoo Banaan-bax wada in ay Ciidamada Afrikaanta ahi Rasaas kusoo fureen, inkasta oo aan lasoo sheegin wax khasaare ah oo dadka soo gaaray.

Degmada Huriwaa ayaa ka mid ahayd goobihii ay Mujaahidiintu waqti dheer ka talin jireen halkaas oo ay dadku ku haysteen Nabad-gelyo aad u wanaagsan, balse markii ay Ciidamada Afrikaanta ah iyo Maleeshiyada DKMG qabsadeen ayaa waxaa soo laalaabtay falalka noocan oo kale ah oo aysan dadka Huriwaa hore u aqoon jirin.