Shariif “Quraanka iyo Sunnada kuma dhaqanno Laakiin wax dhaliila uma hayno, Marka Waa inaan ku dhaqannaa (Ktitaabkan yar) Dastuurkan oo ay ku baxday lacag dhan 50 Milyan Doolar oo aan isaga u xukun tagnaa, Ixtiraamnaa, ku kala baxnaa oo weliba jeclaannaa”.

Hadallo Shacabka Soomaaliyeed ay aad ula yaabeen oo uu Shariif ka jeediyey Xaflad loo dhigay Dastuurka Soomaaliya loo ansixiyey ayuu ku tilmaamay in Dastuurkan Soomaaliya loo ansixiyey uu kamid yahay 25ka Dastuur ee Dunida ugu wanaagsan, Isagoo ku dooday in Hadalkaas ay u sheegeen Dad Diplomaasiyiin ah, Isagoo sidookalena ku adkeystay in ay Waajib tahay in Dastuurkan lagu dhaqmo, La qaddariyo, La’isku xukumo, lana jeclaado.

Shariif Hadalladiisa waxa kamid ahaa, “Dastuurka aan Ansixinnay waxaa Dublamaasiyiin noo sheegeen in xeeldheerayaal ka faallooday ay sheegeen in uu ku jiro 25′tka Dastuur ee Adduunka ugu qiimaha badan”.

Waxaa kale uu Sharif yiri, “Qur’aanka iyo Sunnada Nabiga scw kuma dhaqanno, laakiin wax dhaliila miyaan u haynaa?, maya xaashaa lilaah uma hayno, looma soo dajin in aan meel iska dhiganno laakiin Annagaan ku dhaqmaynin, marka waa in aan ku dhaqannaa Dastuurka aan Ansixinnay waayo uma aanan dagsan in aan meel iska dhiganno, waa in Asaga lagu kala baxaa, loo xukun tagaa, la Ixtiraamaa Lana jeclaadaa!”.

Sharif wuu sii socday oo wuxuu yiri, “Kitaabkan yar (Dastuurkan) waxaa ku baxday Ansixintiisa Konton Malyan marka cayaar magalo, waa in aan ku dhaqannaa oo ilaalinnaa”.

Hadalkan Shariif kasoo yeeray ayaa waxa aad ula yaabay Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, Waxana ay ka xasaasiyoodeen Isbarbardhigga uu Shariif isbarbardhigay Kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo Dastuur gaaleedkan Mahiga loosoo wakiishay, Isagoo weliba Shacabka usoo jeediyey in Maadaama Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabiga meel la’iska dhigay ay haataan Waajib tahay in lagu dhaqmo Dastuurkan uu ku tilmaamay Kutub Qaali ah oo ay 50 Milyan ku baxday.

Waxa jiray Culimo Soomaaliyeed oo horay Warbaahinta uga sheegay in Shariif iyo Dowladdiisu ay Shareecada Islaamka ku dhaqmeyso Waajibna ay tahay in la taageero, Waxase Maanta Wejigabax ku ah hadalkan aadka u qallafsan ee kasoo yeeray Shariif Axmed.

Banaadir Post.