Khaliif Ereg oo masuul ka ah maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta si dirqi ah kaga badbaaday weerar qorsheysan oo lagula eegtay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Askartii gaariga saarneyd ayaa dhimasho iyo dhaawac halkaas ku noqday, iyadoona sarkaal u hadlay maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka uu sheegay masuulkooda Khaliif Ereg in aanu wax
ku noqon weerarkaas.Warar madax banaan ayaa sheegaya in Khaliif uu badbaaday isla markaana isagoo argagaxsan uu gaaray saldhiggiisa waxana uu diiday inuu la hadlo warbaahinta, taas badalkeedana waxaa hadlay sarkaal kale.
Qarax loo adeegsaday Miinada meelaha fog fog lagu aaso ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday Khaliif Axmed Ereg, iyadoona uu si dirqi ah kaga bad baaday weerarkaasi.
Qarax loo adeegsaday Miinada meelaha fog fog lagu aaso ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday Khaliif Axmed Ereg, iyadoona uu si dirqi ah kaga bad baaday weerarkaasi.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay Weerarro iyo dilal qorsheysan, waxaana u dambeysay Weerarkii Nafhurnimada ahaa ee maalintii Shalay lagu qaaday goob ay ku kulansanaayeen Odayaasha Calooshood u shaqeystayaasha ah ee ansixinayay Dastuur Gaaleedka DKMG-ka.
Banaadir Post.