Xaafadda SOS ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka dhacay Dibadbax ballaaran oo ay dhigayeen Boqollaal qoys oo ku sugan Xaafadaha SOS kuwaasi oo dibadbaxoodu uu salka ku hayay cabasho ay ka muujinayaan dhac iyo kufsi joogto ka noqday Xaafadahaasi oo ay gaystaan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ee halkaas ku sugan, Bannaan-baxayaasha ayaa waxa ay waddada isku xirta SOS iyo Suuqa Xoolaha ku xireen dhagax iyo waxyaabo kale taasoo ay ku muujinayeen dareenkooda, waxaana la sheegay in Wafdi ka socda Dowladda KMG ah iyo kolonyo Ciidamada AMISOM ah oo halkaasi marayay ay rasaas ku fureen dadka dhigayay bannaanbaxa, kaddib markii ay waddada jareen sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah dibad-baxayaashaasi oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho qaarkood.
Sidoo kale Dibad-baxayaasha ayaa sheegay inay soo badatay kufsiga lagula kaco Haweenka ku sugan Xaafadahaasi oo ay gaystaan kooxahaasi, Waxana ay sheegeen in maalmihii ugu dambeeyay halkaasi lagu kufsaday inkabadan 9-Haween ah oo ay ku jirtay Gabar 14-jir ah.
Hooyo lagu magacaabo Nadiifo Max’ud Cumar oo la hadashay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegtay in Kooxahaasi ku labisan dharka Dowladda marka ay ka waayaan lacag ama Mobile ay ku qasbaan Kufsi iyo waxyaabo la mid ah Dumarka, taasina sida ay sheegtay ay cabsi ku beertay shacabka SOS iyo Suuqa Xoolaha.
Waxaa sii batay Cabashooyinka iyo qaylo dhaanta ay muujinayaan dadka ku dhaqan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasi oo dhibaatooyin joogto ah kala kulma Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo ah kuwo qaab Maleeshiyo-Beeleed ah loo soo abaabulay.
Banaadir Post.