DKMGka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta si rasmi ah u shaacisay in Dastuurkii buuqa badan keenay la ansixiyey Maanta, Iyadoo ay jiraan Warar sheegaya in Xilligii DKMGka ah ay ku dhawaaqeysay in Dastuurka la’ansixiyey ayba Hoolka Shirka ka maqnaayeen Ergadii ansixin lahayd Dastuurka intoodii badneyd oo ay ka kala firxadeen Hoolka maadaama uu qarax weyn ka dhacay Illinka hore ee Hoolkii Shirka lagu qabanayey, Waxana halkaa isku qarxiyey baa la leeyahay 2 qofood oo isasoomiidaamiyey, Iyadoo uu halkaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jirta.
Mahiga iyo Madaxda DMGka ah ayaa ka faa’iideystay kala yaaca iyo Anfariirka ku yimid Ergadii Dastuurka ku muransanaa ee loo sheegay in uusan Maanta la dhaafin Ansixintiisa, Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in Dastuurkii si aqlabiyad ah lagu ansixiyey, Iyadoo sidookalena Ra’isulwasaaraha DKMGka ah uu sheegay in Maanta ay Maalin farxadeed u tahay, Sida uu hadalka u dhigay.
Lama oga Go’aanka ay ka qaadan doonaan Odayaashii iyo Culimadii ka digay in Dastuurkaas qallafsan xoog lagu ansixiyo, Waxase muuqda in Mahiga iyo Horjoogayaasha DKMGka ah ay iska dhego-tireen Baaqyadii isdabajoogga ahaa ee ka imanayey Waxgaradka Soomaaliyeed.
Banaadir Post.