Maleeshiyaadka dowladda KMG ah ayaa dhac baahsan ka geystay xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo falkan uu imaanayo xilli Shariif Sheekh shalay booqday degmadaas uu amar ku bixiyay in laga hortago falalka dhaca ah ee ay geysanayaan ciidamada dowladda.
Maleeshiyaadka lahaga eed sheegtay ayaa ubadan shariif beeshiisa kuwaas u badan reer miyi “Shaalaleey” kuwaas caan ku ah dhaqan xumo oo dhan, dhac, boob, kufsi iyo isbaaro la baarto qof walba.
“Dhacu wuxuu ahaa mid saf-ballaaran ah waxaana geystay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah,” ayaa laga soo xigtay saraakil ka tirsan kuwa dowladda oo diiday inay magacyadooda sheegaan sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inay saxaafadda u gudbiyaan warkan.
“Shariif ayaa ah nin gabalkiiso sii dhacayo sidaas daradeed isaga iyo beeshiiso xoog kuma qabsan Afgooye iyo dadka degan, waxaa hab beeleed ku qabsan waayay kuwa iyaga ku xoog badan,waxaana Afgooye ku nool dad AHLU TOWXIID ah” sidaa waxaa yiri dadka reer Afgooye.
Banaadir Post.