Ra’iisul Wasaarihii Dalka Itoobiya Meles Zanawi ayaa la sheegay in uu geeriyooday, Waxana arrintaa baahiyay Taleefishinka iyo Idaacadda Dalka Itoobiya ee loo yaqaan (ESAT).
Weli Madaxda Dalkaasi si rasmi ah uma aaney faafin warkaasi, Waxase la sheegayaa in haatan ay wadaan diyaarinta qaabkii ay Warbaahinta u wajihi lahaayeen.
Zenawi ayaa muddo 21-sannadood ah haystay xukunka dalkaasi Itoobiya, Isagoo Shacabka Soomaaliyeedna Dhibaato Baaxad weyn leh u geystay intii uu xukunkaasi hayey, Waxana illaa iyo haatan gudaha Soomaaliya ku sugan Ciidamada Itoobiya ee kusoo galay Amarka Melez Zenawi haystana Magaalooyin ay kamid yihiin, Beledweyne, Beydhabo, Garbahareey, Iyo meelo kale.
Dhimashada Zanawi waxaa si aad ah ugu farxi doona Ummadda Soomaaliyeed ee uu dhibaatada weyn ku hayey, Iyo weliba Muslimiinta ku nool Dalkaas Itoobiya ee uu qudhooda gumaadka ku hayey, Waxana halkaa Reer Galbeedku ay ku waayayaan Adeegihii ay ku kalsoonayeen ee u joogay Geeska Afrika.
Banaadir Post
dayaasha Afgooye Oo diiday in ay Shariif lakulmaan iyo Jirdil lagula kacay qaar katirsan Odayaashaasi.
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxday ujeedka socdaalka shariif sheekh Axmed uu maata ku tegay magaalada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho xilli dagaallo ka socdaan muqdisho iyo hareeraheeda.
Ujeedka socdaalka shariif ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayay sidii uu beelaha Shanta Caleemood loo yaqaan uga iibsan lahaa codad marka doorashada lagaaro iyo niyad dhis uu u sameynayay saraakiisha ciidanka kufaarta Afrikaanta.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka Afgooye ay diideen kulan ay laqaataan shariif sababa laxariira maleeshiyaadka DKMG ah oo boob iyo dhac baahsan ka wada degmadaasi.
Shariif oo ay gelbinayaan ciidamada Uganda ayaa gudaha ugalay beerta Sheekh saayad kadibna wuxuu isugu yeeray Odayaasha dhaqanka balse odayaasha oo ashtako muujinaya ayaa diiday in ay shariif banaanka ugusoo baxaan.
Mid kamida odayaasha oo caawa lahadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in si qasab ah loogasoo kaxeeyay guryahooda islamarkaana lajirdilay balse wuxuu sheegay in ay ku adkeysteen lakulmidda shariif.
Maleeshiyo ilaala u ah shariif ayaa qoriga baadkiisa ku garaacay odayaasha balse waxay diideen in ay shariif lakulmaan maadaama maleeshiyadiisa ay boob iyo kufsi ka wadaan degmadaasi.
Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka muddo ku dhaw sanad waxaa gacanta ku haya ciidamada gaalada Afrikaanta iyo maleeshiyaad murtadiin ah waxayna magaalada ka dhigeen meel fisqi ah.
Ciidamada gaalada ayaa saldhigyada ay uga suganyihiin magaalada ka hirgeliyay kaniisado ay diinta nasaarada baadilka ah ku caabudaan waxaana barbar socda Ol Ole gaalaysiin ah oo dad muslimiin ah diinkooda looga saarayo.
Jibriil Macalin Cabdulle oo CRD u hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu dan u yahay AMISOM iyo DKMG ah isagoo yiri “haddii dhalinyarada labaraarujiyo waxaa dhici karta in ay dalka difaacaan”!!
Kooxahan oo kale ayay mareykanku ka dhiseen Afghanistan,Ciraaq,Yemen haddana Somaaliya ayaa lagu tijaabiyay.
Banaadir Post.