Wixii Aan Ku Arkay Madasha Shirka Ansixinta Dastuurka Maanta (Faaalleynta Madashii Maanta) W/Q: Cabdalle Muumin

 Abaare 6:00 subaxnimo ee aroornimadii saaka [Arbaco] ayaanu galnay aniga iyo koox wariyaal ah saf loogu talagalay in lagu diiwaangeliyo dadka ka qeybgalaya shirka golaha ansixinta dastuurka ee ka furmay hoolka xafladaha ee dugsiga tababarka booliska ee Gen Kaahiye [Ex Iskool Boolisiya]. Waxaana u diyaargarownay inaanu galno xarunta shirka baaritaanada amniga kadib.

Safku markaasi ma ahayn mid dheer, waxaanse maanka ku haynay in tirada dadka faraha badan ee iman doona meesha darteed uu jiri doono ciriiri.  Safka ugu soo horeeya waxaa uu ka soo bilawday afaafka hore ee xarunta Gen Kaahiye oo ku taalla degmada Xamar Jajab, qiyaastii 200 mitir meel u jirta xarunta ayayna dadkoo dhami kasoo lugeynayeen.

Waxaanu u degdegnay sidii aan waqti fiican u tagi lahayn hoolka shirarka maadaama aanu doonaynay inaan tabino furitaanka kulanka ergada ansixinta dastuurka.  Qof kasta waxaa aqoonsi u ahaa kaarar ay bixiyeen hay’adda UNPOS iyo guddiga qabanqaabada shirka oo hoostaga xafiiska raysul wasaaraha. Albaabka koowaad ee laga soo galo xarunta Gen Kaahiye waxaa ku sugnaa tiro yar oo askarta booliska Soomaaliyeed ah, waxay u badnaayeen odayaal da’ heyso daal badanina ka muuqdo, waxaase caawinayey dhowr askarta Uganda [AMISOM] kuwaasoo u muuqday inay ka yar firfircoon yihiin kuwa Soomaalida, mararka qaarna askarta AMISOM ayaa dadka faraha la galeysay si ay baarista u fududeeyaan.   Taasi waxayba lama huraan noqotay kadib markii qaar askartii booliska ahayd iyo dadkii safka ku jiray ay isku maandhaafeen safka dheeraaday iyo dadka sooman ee sida xad dhaafka ah loo daahiyey.

Dhowr jeer oo hubin “computerized” iyo baaritaan gacan ahba kadib, waxaa naloo fasaxay inaan u gudubno hoolka shirka uu ka socdo.  Aniga waxay indhahayga qabanayeen askarta AMISOM oo kaliya inay hubka la soo gali kartay hoolka iyo meel kasta oo xarunta ka mid ah, mana jirin askari Soomaali ah xitaa kuwa la socda madaxda sare oo gudaha loo ogolaa – markase laga reebo kuwo sacabo maran oo hoolka iyo hareerihiisa warwareegayey iyagoo muraayado [ookiyaale] madow indhaha u suran yihiin.

Isriixriixa xafiisyada sare

Wax kasta caadi bey ahaayeen, illaa bilowgii.  Dhawaq musik, heeso wadani ah iyo astaanta CALANKA ayaa lagu madadaalinayey ergooyinka oo hadba si teel teel ah ku soo xaroonayey. Waxaa hadba masraxa isku soo bedelayey hobolada HORSEED ee kooxda booliska iyo kooxda BAMBEYDA oo iyaguna markooda dhowr heesood oo wadani ah oo ay dusha ka xusuustaan musikooda qalalan garaacayey.

Heesaha wadaniga, gabayada guubaabada iyo dareenka wadaniyadeed xambaarsan waxay ku xusuusinayeen hal dareen oo ah wadaniyad, Soomaali iyo dawlad. Dadka intii meesha joogtay cid kasta waxay hadalheysay NABAD, hal wadan, hal qaran, cadawgeena aan garano iyo dawladnimo.  Xubnowasiiro ah, gudoomiyaal degmo iyo duqa Muqdisho ayaana ka mid ahaa dadkii nala daawanayey madadaaladaasi.

Intii jawiga noocaas ahi lagu dhex jiray waxaan mar qura dareenay iyadoo ay hareeraha naga joogaan dhowr ruux oo isugu jiray niman iyo gabdho muraayado madow wada xiran, dhaadheer, kuwa ragga ahna suudad [surweel iyo jaakad iswata] ayey wada xirnaayeen.  Saaxiibo meesha joogay ayaan weydiiyey, waxaa la ii sheegay ‘waa dadka qaabilsan amaanka raysul wasaaraha C/weli Gaas oo ka soo hormaray’, saaxiibadii ii waramay waxay intaa ii raaciyeen “waa asxaabta raysul wasaaraha”.  Waana xaqiiq waayo qaarkood waanba bar aqooday oo waa raggii yimid wixii ka dambeeyay qaraxii Tiyaatarka ee 4-tii April.

Oraahdaas ka hor aniga waxaan sugayey ciidan boolis iyo nabadsugid oo qaranku leeyahay inay sugaan amaanka guud ee goobta maadaama ergooyin fara badan, madax iyo shacaba meesha imaanayeen. Saaxiibada raysul wasaaraha [waa sida loo yaqaano] waxay bilaabeen inay kuraasta fatashaan, dadka qaar ay mid mid u kiciyaan, ‘boorsadaada i tus, ninkaas yaa yaqaana, xagee madaxdu fariisan’ ereyadaasi ayeyna ku soo celcelinayeen.

Iyadoo weli mashquulkii socdo xafladuna wada bilaaban, ayaa xiriiriyihii xaflada codbaahiyaha ka soo dhawaaqay wuxuuna ergada u sheegay inay waraaqaha dastuurka LUGTOODA ku doontaan.  In ka badan 720 ergooyin oo rag iyo dumar qaarkood waayeelo ahaayeen oo hoolka fadhiyey ayaa mar qura u wada dareeray inay dastuurka ka soo qaataan meel geesta midig ka xigta hoolka iyagoo afka saaray albaabka kaliya ee hoolka u furnaa, kaba darane markii ergooyinka isjiireen oo ay waraaqihii dastuurka soo qaateen ayaa haddana askartii ilaalada ahayd markale horistaageen ergooyinka oo ku yiraahdeen “baaritaan baad haddana mareysaan” taasoo odayaasha qaar furka ku tuureen, illaa markii dambe loo fasaxay inay hoolka ku xaroodaan.

Mid ka mid ah qabanqaabiyaasha oo haweeney ahayd ayaan weydiiyey sababta dastuurka ay ugu qeybin waayeen ergada iyagoo fadhiya si uusan ciriiri iyo isjiiritaankaba u dhicin? waxayse iigu jawaabtay “nin noo qaabilsanaa arintaasi ayaa saaka seexday, furihii qolka dastuurka ku jirayna isagaa la maqnaa oo hadeer buu yimid!”aniguna su’aal kale ma weydiin.

Laakiin dareenkaas wuuba iga baxay markii ay haddana yimaadeen koox kale oo dhalinyaro ah oo sida markale la ii sheegay ka socotay xafiiska madaxweynaha [dadku waxay u yaqaanaan ilmaha Aala Sheekh]- Rag iyo dumar way isugu jiraan. Wax yar kadibna waxaa timid baabuurtii AMISOM oo gelibinaysa madaxda sare ee dawlada KMG ah.

Ilma Aala Sheekh [Waa sida loo yaqaano] waxay bilaabeen inay amar siiyaan asxaabta raysul wasaaraha [sida loo yaqaano] ‘adiga fariiso, meeshaada haka dhaqaaqin, cid socon karta lama arko” iyo amaro kale ayaa la duldhigay. Waase caadi in marka xafladaha waaweyn iyo shirarka la yimaado xifaaltan uu dhexmaro ilaalada madaxweynaha iyo kuwa raysul wasaaraha, markan waxaa u dheer labada ninba waa MUSHARIXIIN oo tartanka iyaga u dhexeeya ayaa saameeyay wiilashooda (ilaalada).  Xitaa sawirada labada nin [madaxweyne Shariif iyo Raysul wasaare Gaas] ayey kala wataan.

Ninkii Muqdisho dhowaan yimid wuu layaabi lahaa in ilaalada xafiisyada sare aysan ahayn kuwo qaran ee ay yihiin kuwo shakhsi iyo qabiil ku saleysan, laakiin dadka jooga Muqdisho ee ka warhaya dhaqanka noocaan oo kale ah waa u caadi.

Waxaan xusuustay hees markaasi sii dhamaaneysay oo ay ku luuqeyneysay gabar ka mid ah kooxda Horseed oo ereyadeeda ka mid ahaayeen “Anigu,…Anigu Soomaali baan ahay, in lakala sareeyiyo sadbursi waan necbahay”.

Gumeysiga geeska Afrika

Guubaabada iyo madadaalada xaflada kaliya kuma ekeyn marxalada dalku ku jiro ee waxay sidoo kale hoboladu toos u abaareen wadamada deriska ee xuduudaha Soomaaliyeed u soo hanqaltaagaya. Malahayga fanaaniinta waxay beegsanayeen qodob ka mid ah kuwa ku jira dastuurka qabyada ah oo sheegaya in xuduudaha Soomaalida wixii khilaaf ah ee ka dhasha xal diblomaasi loo mari doono, arinkaasoo dad badan ka gowsqabaan.

“Inta gobolada NFD aad gumeysaneyso, wallee Geeska Afrika kuma gama’did. Soomaali baan garanayaa, Godobteeda maqan inay goosataan garanayaa..!.  waxaa ereyadaasi masraxa kaga luuqeysay gabar kale oo ka tirsan hobolada Horseed oo sida muuqata toos ugu dhawaaqday gobolada NFD [oo Kenya u taqaano waqooyi bari Kenya] dhulkaasi oo Soomaalida illaa hadda u heysato inuu ka maqan yahay.

Guubaabada iyo madadaalada xaflada kaliya kuma ekeyn marxalada dalku ku jiro ee waxay sidoo kale hoboladu toos u abaareen wadamada deriska ee xuduudaha Soomaaliyeed u soo hanqaltaagaya. Malahayga fanaaniinta waxay beegsanayeen qodob ka mid ah kuwa ku jira dastuurka qabyada ah oo sheegaya in xuduudaha Soomaalida wixii khilaaf ah ee ka dhasha xal diblomaasi loo mari doono, arinkaasoo dad badan ka gowsqabaan.

“Inta gobolada NFD aad gumeysaneyso, wallee Geeska Afrika kuma gama’did. Soomaali baan garanayaa, Godobteeda maqan inay goosataan garanayaa..!.  waxaa ereyadaasi masraxa kaga luuqeysay gabar kale oo ka tirsan hobolada Horseed oo sida muuqata toos ugu dhawaaqday gobolada NFD [oo Kenya u taqaano waqooyi bari Kenya] dhulkaasi oo Soomaalida illaa hadda u heysato inuu ka maqan yahay.

Mararka qaar waxay hoboladu suugaan ku tilmaamayeen dhibta qabyaalada iyo dawlad la’aantu ku reebtay shacabka Soomaaliyeed mudada ka badan labaatanka sano.  Hal arin oo ii muuqatay inaan aan la difiri karin waxay ahayd in shir siyaasadda Soomaaliya looga hadlayo uu ka dhacayo caasimadan labaatanka sano bahalo galeenka noqotay, waaba XAMARTII burburka, dhimashada iyo madaafiica hoyga u noqotay oo maanta shir dastuur looga hadlayo uu ku qabsoomayo.

Ergooyinka madasha joogay, qiyaastii 700 ayaa ugu horeysay inta maalintaasi soo xaadirtay, waxayna ahayd maalintii koowaad. Sida la ii sheegay tirada ka maqan 825-ka ergay waxay ku maqnaayeen Garowe iyo dibadaha oo weli safarkooda ma iman Xamar, waase laga warqabay.

Hoolka la fadhiyo, waa mid waasac ah oo ku filan ergada dhamaan, waa qol dhowaan la dayactiray oo gees kaga yaalla dugsiga Gen Kaahiye, si fiicana waa loo qurxiyey.  Saddex bilood ka hor mar aan booqday xerada Gen Kaahiye hoolka sidii uu ahaa wuu ka qurux badan yahay.  Qaar ergada ka mid ah ayaa hadalhayey in loo kala fariisto rag iyo dumar, laakiin lagama dhageysan, sidaan u maleynayo fikirkaasi lama wada qabin.

Sidii ay madadaalada u socotay ayay saacadu gaartay 12:30, waa xilligii Salaada Duhur oo aysan weli madaxda dawlada soo gaarin goobta maadaama iyaga lala sugayey furitaanka shirka.  Ergooyin qaarkood, weliba qaar odayaasha u badan ayaa kuraastii ka joogsaday oo bilabaabay inay dibadda u baxaan si ay u soo tukadaan.

Aniga lafteda dadkaas baxay ayaan ka mid ahaa si aan u soo tukado. Albaabka laga soo baxo oo ah midka kaliya ee loo ogolaa inay dadka ka baxaan ayaa mid ka mid ah ragga amaanka qaabilsanaa oo marna xirayey marna furayey, wuxuu noo sheegay in cidii bannaanka aada aysan dib ugu soo laaban doonin, Anigu maba hadline, dhowr oday oo horteeda socday ayaa ku cawday in “Salaadii Duhur la gaaray oo ay waajib tahay in la soo tukado“, hortooda ayeyna u sii bexeen.

Masaajidka aan ku tukanay ciriiri buu ahaa, boqolkii ruux ee ugu soo hor baxay waxay dantu kaliftay inay labo jeer is kala qeybiyaan si kooxba ay mar u tukato.  Dayactirka ka muuqday hoolka shirkana masjidka kama muuqan.  Oday dadkii ugu hor tukaday ka mid ahaa ayaa markii aanu kabaha soo qaadanay yiri “Masjidka maxay noogu waasicin waayeen markay hoolka intaasoo kharash gelinayeen?, waxayse ahayd su’aal aanan jawaabteeda anagga heynin.

Shakiga madaxda

Shaqaalaha xafiiska Raysul wasaaraha oo ka mid ah ergada shirka dastuurka

Markay madaxdii yimaadeen, shirkiina furmay, khudbaduhuna meel dhex marayaan ayaa dareen dhiilo leh laga dareemay kuraasta safka hore oo ahayd meesha ay fadhiyeen madaxweynaha, raysul wasaaraha, wasiirada iyo saraakiil sare. Nin dhalinyaro ah oo dhinaceyga fadhiyey kana mid ahaa suxufiyiinta ayaa ii sheegay in dhaqdhaqaaq uusan ogeyn waxa uu yahay uu ka socdo hoolka dhexdiisa, haddaan hareeraha eegayna waxaa ii muuqday Madaxweyne Shariif oo intuu isgaabiyey ilna dadka ku soo fiirinaya isha kalena C/weli Gaas oo dhankiisa bidix fadhiyey dhegta wax ugu sheegaya, nasiib darasae waxba ma maqli karin.

Daqiiqad kama soo wareegin, Shariif Xasan oo madaxweynaha ku sii xigay baa telefoon u soo dhacay. Haddiiba waxaa deg deg u baxay taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirka gudaha C/samad Macalin. Waxay kaloo isheydu qabatay taliyaha amaanka madaxweynaha oo loo yeeray iyo fara taag-taag aan caadi ahayn oo meesha ka socday, oo ruuxii dareen dhow wuu fahmi karay in wax si yihiin.

Taliyihii amaanka madaxweynaha intuu si dhega fudud u orday ayuu tobaneeyo dhar cad ah oo ilaalada madaxweynaha ka mid ahaa oo markii hore hareeraha taagnaa u baaqay, iyaguna way la fahmeen oo waxay markiiba ku qamaameen safafkii ergada oo illaa meel dambe isdaba yaallay.  Anigoo weli ku wareersan jawigan cusub ee aan galnay ayaan arkay saddex ruux oo ergada kujiray qoortana kaararka aqoonsiga u suran yihiin oo lala booday iyagoo la garab hayo ayaa bannaanka loo kaxastay.

Anigoo weli dadaal ugu jira sidii aan ku ogaan lahaa xaaladan soo korortay, ayaa wiil dhalinyarada sawirqaadayaasha ka mid ah weydiiyey MAXAA SOO KORDHAY? intuu afka ii soo dhoweeyay buu igu yiri “Ruux madaxweynaha qarxin raba ayaa la sheegay inuu ku dhex jiro hoolka”.

Shaqaalaha xafiiska Shariif Xasanoo ka mid ah ergada shirka dastuurka

Intaan su’aal labaad weydiinin saaxiibka ii waramay ayuu oraah kale ii raaciyey “run iyo been waxay tahay lama oga”.  “GARTAY” baan ugu jawaabay.  Waxaan soo xusuustay dhacdo ka dhacday garoonka diyaaradaha bishii Maarso mar uu madaxweyne Shariif ka soo laabanayey safar uu ku tagay Ethiopia oo ilaaladiisa sheegeen inay garoonka kaga hortageen wiil [sida ay sheegeen] Al-Shabaab ka tirsan oo madaxweynaha isku miidaamin lahaa.

Kiiskaasi wuxuu xitaa muran weyn ka dhex dhaliyey booliska garoonka Aden Cadde ka hawlgala iyo taliska nabadsugida kadib markii ay su’aal ka dhalatay sida ay ku suurtagashay nin Al-Shabaab ka tirsan oo miineysan inuu gudaha u galo garoonka Aden Cadde oo leh saddex bar kontorool???, waxayse baaristii la sameeyey markii dambe cadeysay in ilaalada madaxda sare ay ka macaashaan FARIIMAHA DHIILADA ee xaqiiqda ka fog, dabcan lacag badana way ku helaan, waana sababta  ku kaliftay inay madaxweynaha mar walba been ugu waramaan.  Dhacdadan Iskool Boolisiyana tiiyoo kale u eg.

Yaa ergada ah?

Magac ahaan ‘ERGADA’ waxa ku magacaaban tahay xulistooda odayaasha dhaqanka ee beelaha 4.5 ee Soomaalida wax ku qeybsato, laakiin xaqiiqda maalintaas aan ogaaday taasi waa ka duwaneyd waayo saddex meelood labo meel (2/3) ergada waxay ku yimaadeen xulitaanka madaxda sare (gaar ahaan saddexda ugu sareysa) iyo wasiirada.  Wajiyo aan si fiican u garanayo oo ergada ka mid ah waxaa ku jiray shaqaalaha wasaaradaha arimaha gudaha, kalluumeysiga, warfaafinta, shaqaalaha xafiiska raysul wasaaraha, shaqaalaha madaxtooyada, shaqaalaha xafiiska Shariif Xasan.

Mid ka mid ah ergada oo haweeney ahayd oo aan fursad isu helnay ayaa igu tiri “Weligay ma arkin ugaaska beesheena xitaa aqoon uma lihi!!!!”, Shaki ma leh in qaar badan oo sidaas ah ay ku jiraan ergada. Qaar kale waxay kaliya hadalhayeen “imisa la qaadanayaa”.

W/Q:  Cabdalle Muumin
RBC Radio
Email; cabdallemuumin2@gmail.com