Wafdi ka socda Norway oo soo gaaray Moqdisho kana qeyb galay shirka Ansixinta Dastuur Daaquudka”Qabyo Qoraal”

Wafdi ka socday Dowladda Norway, iyagoo kulamo la qaatay Ergada ansixinaysa Dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya.

Waxaa maalintii lixaad Xarunta Scoula Polozia ee Magaalada Muqdisho ka soconaya shirka Golaha ansixinta Dastuurka kaasi oo ay xaadir ku yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya.

Shirka  Golaha ansixinta Dastuurka ayaa maanta ka qeyb galay, qudbadna ka jeediyay Ergay ka socday Dowladda Norway oo lagu magacaabo Jan Peterson kaasi oo sheegay in Golaha Ansixinta Dastuurka.

Waxaa  la yaab leh inay qarsan waayaan qiyaanada  ay wataan iyaga oo maalinba shaati soo gashada,Norway ayaa  mudo dheer mashquul  ku hayd inay  shidaal ka qoto  gayiga  Somaliyeed, gaar ahaan  Jubbada Hoose,Dhexe , iyo Xeebaha ku wareegsan,iyada  oo gadaal ka taagan ciidanka  kenya oo gudaha ugu jira  gayiga Somaliyeed.

Dadka qaar ayaa sheega inay  qeyb ku leedyahay waxa  loo yaqaan dastuur  Daaquudka”Qabyo Qoraal”,waana  wax  maanta ay garan karaa kuwa  aan garan wax badan.

Banaadir  Post.