Shariifow Dhado roob noqon weysey!!

Shariif ninka gabalkiiso sii dhacayo ayaa maalmahan ku waashay inow Degmooyin wareegto beeneed ku magacaabo hadana kala gooyo gobolo hore u jiri jiray.
Dadka indheergaradka ah ayaa la yaabay ninka maalin cadeey tooshka lagu wado iyo talo xumada haysta maamulkiisa ridada ka ah wax walba oo Ilaah ku maray umadiisa.

Maamulka Fadhiidka ah ee Shariif ayaa toos u xukuma Lix Xaafadood oo Xamar ah, inta kale gacantiisa kuma jirto oo dagaal ayaa ka socdo her iyo habeen.

Maamulkiisa Lixda xaafadood ayaa ciidan ahaan hoos yimaada ciidanka gaalo madowda Amisom,kuwaas oo lacago badan ku qaata inay joogaan gayiga Somaliyeed,lacagahaas oo hada la sheegayo inay ka soo baxaan Dekada iyo Garoonka Moqdisho,kuwaas oo Somali ka aradan tahay.

Beesha Caalamka iyo wakiilkeedda Mahiiga UNPOS SOMALIA ayaa ku lug leh in la magacaabo degmooyin cusub iyo gobolo hor leh waana hab cusub oo la rabo in lagu soo nooleeyo colaad beeleedkii bari laga nastay.