Dhacdo layaab leh ayaa maanta ka dhacday xarunta ay ku shirsanyihiin Odayaasha loogu magac daray (Ansixinta Dastuurka Somaliya”, oo lagu doonayo in dastuur gaaleedka cusub lagu dhaqan geliyo.
Sida lala socdo shirka waxaa garwadeen ka ah AMP.Mahiga oo ah Nin gaal Tanzaaniya u dhashay ahna Wakiilka Q.Midoobe ee Somaaliya ninkan diplumaasiga ah ayaa DKMG ah madax u ah wuxuuna gooyaa go’aanada masiiriga ah ee dowladda Villa Somaliya.
Shirka odayaasha ee muqdisho ka furan waxaa laysugu keenay Faasiqiin aan wax kheyr ah laheyn waxaa kamid ah gaangiistarro qurba joog ah oo dibadaha lagasoo aruuriyay iyo odayaal fajiisatayaal ah oo eeganaya sandareeraha yar ee UNDP iyo midowga Yurub ka imaanaya.
Saxafiyiinta lagu marti qaaday shirka ayaa soo weriyay sheekooyin yaab badan oo ku aadan hab dhaqanka kuwa la sheegay in ay dastuur udejinayaan Jamhuuriyadda Somaaliya!!.
Guddiga farsamada shirka waxaa dhawaan loo magacaabay haweenay faasiqad ah oo lagu magacaabo Xaliimo Yareey waa haweenay ku sifowday wax walba oo xumaan ah.
Maanta duhurkii ayay saxafiyiintu gaareen Hoolka Odayaasha si ay warar ugasoo tebiyaan markii ay soo wada aruureen odayaashii shirka loo qoondeeyay ayay goobta soo gaartay Xaliimo Yareey waxay qabsatay cod baahiyaha iyadoo oranaysa “Haye Mudanayaal qofkiini qada cunaya oo aan sooneyn waa diyaar halkaasi gala waa maqaaxi loogu talagalay in aad ka cunteysaan waxaa laga helayaa raashin VIP ah”!!.
Durbadiiba waxaa maqaaxidii isku cariiriyay fusuqadii meesha ku sugnaay oo isugu jiray habro qurba joog fusaqo ah iyo kuwa odayaal lagu sheegay oo masoomayaal ah waxaana goobta kasoo cararay qaar katirsan saxafiyiintii u war doontay xerada Gaadiidka kana carooday Masoo manimada heerkaasi gaartay.
Wariyaha warkan nasoo gaarsiiyay ayaa intaasi ku daray in hoolka ay ku hareen dad aan ka badneyn 150 oo ubadan Odayaal kuwaasi oo u muuqday in ay soomanyihiin Akhristow maanka ku haay dadka goobta xaadirka ku ahaay ee dastuur gaaleedka ansixinaya waa 850 qof oo lagu daray tobaneeyo howl-wadeen ah waxa ka soomana waa kuwa aan 150 ka badneyn.
Wasiirka Dastuurka ugu magacaaban DKMG ah ayaa isna makarafoonka qabsaday wuxuuna yiri “waxay ilatahay in Haweenka iyo Odayaasha aysan ku soomi karin marxaladda adag ee halkan kajirta”!!.
Masoomayaasha lagu xareeyay xeradii hore ee gaadiidka badankood waxay kasoo jeedaan gobolada Waqooyi Bari Puntland iyo qurba joog isku jir ah oo qaarkoodba shaki lagelinayo islaamnimadooda!!.
Shacabka Somaaliyeed ayaa lala doonayaa in kuwan khuwanada ah looga dhigo garsoorayaal, shir bishii June ay Roome Talyaaniga ku yeesheen dowladaha deeq bixiyaasha lagu magacaabo ayay kasoo saareen go’aan DKMG ah ka codsanaya in diinta Kirishtaanka ay ku dhax faafi karto Somaaliya waxaana durbaba bilaabatay in fagaarayaasha TFG ku kulanto ay soo xaadiraan shakhsiyaad arrinkaasi u sacyinaya.