Bashiir Salaad iyo Nuur Baaruud oo sheegay in Dastuurkan lala ordayo ay ku jiraan qodobo kahor’imanaya Diinta Islaamka, Iyo kuwa isku sheega Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho oo soo saarey warsaxafadeed!

Warsaxafadeed ay Maanta hay’adda culummada Soomaaliyeed kasoo saartay Muqdisho ayey ku sheegtay in dastuurkan la doonayo in la’ansixiyo ay ku jiraan qodobbo ka horimanaya diinta Islaamka, Waxana Mas’uuliyiinta Hay’addaas ay codsadeen in Qodobadaas kahor imanaya lagu asteeyo isbedel ka hor inta aan la ansixin.

Guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed,  Bashiir Axmed Salaad oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in ergada u fadhida ansixinta dastuurka ay qodobbadaas ku sameeyaan isbedel.

“Waxaan codsanaynaa in la saxo qodobbada sida tooska ah uga horimaanaya diinta Islaamka sida: qabashada dumarka dhammaan jagooyinka, Gudniinka gabdhaha ee aan fircooniga ahayn oo la cambaareeyay lana reebay, Ereyga carruur oo lagu qeexay wixii ka yar 18-ka sano, xorriyadda diinta oo aan xadkeedii la caddeyn, loona baahan yahay in lasoo celiyo faqraddii ahayd qofka muslimka ah kama bixi karo diintiisa”, Ayuu yiri Bashiir Salaad  oo warsaxaafadeedkii ay soo saareen akhrinayay.

Hay’adda culummada oo saaxiib weyn la ahayd dowladda KMG ah kuna baaqi jirtay in la taageero xilliyadii ay dagaalladu ka socdeen Muqdisho ayaa waxay haatan u muuqataa in fikirkeedu isbeddelay, waxayna howlaha socda ku tilmaameen kuwo aan loo baahnayn.

“Shareeco Islaam oo lagu dhaqmo ayaan sugaynay ee maxay tahay waxa lala cararayo ee mooryaannimada ah… waa arrin runtii aad looga xun yahay, sida ku qoran baaqa ergada waxaan xusuusin lahayn mas’uuliyadda taariikhiga ah inay ilaahay kaga baqaan, gaar ahaan waxa kasoo horjeeda diinta islaamka iyo danta Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri  Nuur Baaruud Gurxan oo ah afhayeenka hay’adda culummada Soomaaliyeed oo isaguna goobta ka hadlay.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay ka dalbatay beesha calaamka inay fuliso laba qodob oo kala ah inay shacabka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan si la mid ah sida bulshadooda kale ee caalamka iyo inaan deggenaashaha dalka lagu gaari karin afduub iyo amar ku taagleyn.