Urur farta lagu fiiqo ee Al-islaax oo ku kala qaybsan cida ay ku taagerayaan Madaxweynenimada Somalia

Urur  Al-islaax oo isagu kamid ah Urur diimeed-yada kadhisan Dalka Somaliya ayaa waxaa soo kala dhaxgalay Khilaaf baahsan kadib markii Xubno kamidda ururka laga qaaday Xilalkii ama kamid ahaan shiyihii Ururka Al-islaax, xubnahaan xilalkooda waayay ayaa ahaa kuwo kaalimo fiican kaga jiray Dhismaha Ururka iyo waliba Hirgelinta Howlaha ururka ee ku aadan Hormarinta ujeedooyinka loo,asaasay ururkan.

Sheekh Max’ed Axmed Garyare oo isagu kamid ah xubnihii aasaasay ururka al-islaax sidda uu sheegay waxay Xilalkii ka qaadeen Xubno ay kamid-yihiin Cali Baashe oo isagu ah Gudoomiyaha Ururka Al-islaax, Sheekh Max’ed Axmed Garyare wuxuu Sheegay in Cali Baashe uu qeeyb ka noqday Burburinta Ururka uuna ku fashilmay isu keenidda iyo Xalinta Khilaafaadka urur weeynaha Al-islaax, Isagoo sidoo kale sheegay in Dr.Cali Sheekh Axmed oo isagu ah gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho in uu sameeyay Heshiisyo aysan xarakada inteeda kale ka warheeyn ayna arimahaasi yihiin kuwo u gaara Ururka ayna iyagu Xalin doonaan arimahaas siddaana ay xilkii uga qaadeen Dr.Cali Sheikh Axmed ,Sheikhu wuxuu sidoo kale sheegay in isna Xubinimaddii Ururka laga saaray Mustafe C/laahi Cali oo isna lagu eedeeyay inuu Dhibaatooyin iyo fitno ka dhax abuurayo Ururka Al-islaax siddaa darteedna uu ku muteeystay in xilka laga qaado.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Cali Baashe oo isna  BBC-da wareeysi siiyay ayaa sheegay in aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Xarakada Al-islaax, Sheekh Max’ed Axmed Garyare na in uusan Masuul kaheeyn hadda ama uusan Xil kaheeyn Maamulka sare ee xarakada Al-islaax ayana tahay wax laga xumaado inuu haddal siddaa ah ku hadlo Shaqsi kamidda asaasayaashii Ururka Al-islaax isagoona sheegay in arintaasi ay tahay Af-genbi uusan dhiig ku daadan.

Haddaba sidda an ku helnay warar lagu kal-soon yahay Khilaafka ayaa ah mid salka ku haya Arin Siyaasadeed iyadoona Sheekh Max’ed Axmed Garyare iyo xubno kale aysan iyagu ogoleeyn in Ururku uu qeeyb ka noqdo Siyaadda kala guurka ah ee somaliya, iyadoo dhanka kale Dr. Cali Baashe iyo Dr.Cali Sheikh Axmed ay iyagu u ololeeynayaan Dr.Cabdiraxman Badiyoow oo isagu ah Musharax Madaxweyne marka lagaaro Bisha Augst.

Waxaa Siddoo kale jira Xubno kamidda ururka al-islaax oo iyaguna garab Seddexaad ah oo ololeeynaya Xisbiga (TAYO), Xisbiga Tayo waxaa guddoomiye ka ah Dr.Maryam Khaasim oo Xubin firfircoon ka ah Ururka Al-islaax, iyadoona uu u sharaxan-yahay Ra,iisul wasaarihii Horre ee Maxamad Cabdullaahi (Farmaajo),iyadoona sababta ugu weeyn oo xubno badan oo kamidda Ururka Al-islaax ay ugu ololeeynayaan Mudane Farmaajo ay tahay in Xukuumaddiisii marka labbo looqeeybiyo qeeybi kamidda ay ahaayeen Shaqsiyaad kamidda Ururka Al-islaax iyadoona laga xusi karo Wasiirada Xukuumadii Farmaajo ee kamid ahaa Ururka Al-islaax.

1-Cadullaahi Ebyan Nuur
Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
2-C/nuur Sheekh Maxamed
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaaha iyo Tacliinta Sare
3-Drs. Maryama Qaasim Axmed
Wasiirka Haweenka, iyo Arrimaha Qooyska
4. Maxmed Cabdi Abtidoon
Wasiiru dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
5.Dr. Maxamuud Shiikh Xasan Akhi
Wasiirudawlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
6.C/xakiin Maxamed Xaaji
Wasiirka Gaashaandhiga ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeen

Intaasoo kaliya maahan ee siddoo kale waxa jira xubno kale oo iyagu ah Wasiiru Dowlayaal, Wasiir kuxigeeno iyo Agaasimayaal kuwaasoo dhamaantoodba ku abtirsada Ururka Al-islaax tasoo ah sababta ay ugu dhiiradeen Masuuliyiin badan oo kamidda Urur weeynaha Al-islaax in ay taageeraan Xizbiga TAYO ee uu xogheeynta kayahay Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) isagoona ah Musharaxa Ururka uga qeeyb qaadan doona Doorashada lagu waddo in ay dhacdo daba yaaqada Bisha Augst.

Ugudanbeeyntii Xarakadda Al-islaax maaha urur diimeeydkii ugu horreeyay ee Siyaasad isku Khilaafa,iyadoona horray ay isku Khilaafeen Ururka Aala-sheekh ee uu Xubinta kayahay Madaxweyne Sh.Shariif Sheikh Axmed iyagoona isku khilaafay Musharaxnimada Sh.shariif ee Bisha Augst iyadoona ay jiraan Xubno kamidda ururka oo doonaya in Sh.shariif uusan dib isu soosharaxin Bisha Augst laguna bedelo Wadaaado kale oo iyagu kamidda Ururka Aala-shiekh balse siyaasada uga dayandoona Madaxweyne sh.shariif Sh.Axmed oo in badan oo Ururka kamidda ay u arkaan inuu muddan-yahay in Taalo Taariikh dib u raac ah loo sameeyo uuna Magac iyo Sharafba usoo hooyay Ururka , waxaa iyana siddoo kale kala qeeybsan oo labbo garab kala ah Ururka Ahlusunna wal-jameeca oo iyagu u kala qeeybsamay Ahlusunnada Goboladda Dhexe iyo ahlusunadda Muqdisho oo iyagu ah kuwo dhanka siyaasada uga furfuran Kooxda gobolada Dhexe xirirna laleh Dowlada TFG-da iyo Dowladaha deriska la ah Somaliya