Ethiopia & cidhibdambeedkii Zanawi maxay ku dambayn xukuumadda TPLF. By Al-ustaad C/fataax Med Ibrahim

Kaligiitaliye walba oo aduunka soomara waxaa udanbaysa cidhib-xumo Maliz Zinaawi waxa uu ladheeraa kaligi talisnimada cadaadis,burburin,gumaysi, cuna qabatayn, dil aan aabo yeel lahayn, xidhaygana iskabadhaaf lamo tirin karo inta maanto jeelsha gabuuxda, Malise waxa uu ahaa nin kasoojeeda qabiilka tiradda yar ee tikree, Malis ma uuna hanbaynin shucuubtii ethiopia, zanaawi iyo kooxdiisu waxay iska indha tireen distoorkii ethiopia waxayna kadhigeen (khad warqad lagudhigay) Zinaawi iyo kooxdiisu waxay kasareeyeen qaanuunka binu aadamnimada,.
Waxaa kale ay iskala waynaaye Dhamaan urururada dhalinta siyaasiyiinta saxaafadda aqoonyahanka, waxgardka .

Odhah Somaaliyeed ayaa aheyd warhashu markay halkan maraysay yaa yax yidhaahda, [haduu ilmuhu aabihii u ekaado ceeb malah] Abasiiniya cadaadiska iyo gumaysiga ceeb ma moodo, is indhatirkii iyo gumaysigii kooxda Malis Zinaawi waxa uugaadhay inay hadda argagax lama filaan ihi qabsado Sidii fircoon iyo kooxdiisii, haday dhagaysan jireen kooxda Malis waxyi isaga kayimaada maanta ayaa u waxyoon?

Hadii shacabka afka lahay xaqiiqaduba way warmi fircoona dhimay (Zinaawi)
kooxda cabudhiska ee ciidan kusheega Zanaawi waxaa dhaba inuu soowajahay burbur badan dhaawac xoogan, dhinaca moralka iyo maskax ahaanba waxayna qarka usaaran yihin inay burbur adag lakulmaan sidan waa sida ethiopia kusugantahay maanta.
hadaba hadii uu dhintay zanaawe iyo hadii uu xanuunsan hayo waxaa dhab ah inuusan maanta xukunka kusoo laabmaynin.

Waxaana maanta jira tartan iyo khilaaf xoogan oo hadheeyay kooxdii zanaawe, xukuumada gablkeedii dhacay waxay ilaa hadda kuguulaysan la,dahay inay macluumaad rasmi aha kasoosaarto xaaladda Zinaawi waxayna daliil utahay inuu dhamaaday waqtigii Zinaawi.

Waaladaawayn hayaa husbitaal ayuukujiraa, fasax ayuu kujiraa, mardhaw ayuu soo gali xafiiskiisii waa been waxaana lagu maaweelinhayaa shacbka si ayana mudaharaad iyo kacdon u abuurmin, balse waysocotaa ciyaartu shaxduna dhigan waxaan arki doonaa ninka cadceed soobaxday gacmo ku qariya, maxaytahay sababta loo qarinhayaa xaaladda jirta?
waa hunguri xumadii Tigree waxayna rabaan mar labaad inay kooxdii Zinaawi cabudhiso shucuubta Ethiopia, hadaba shucuubta Ethiopia makarihayaan gumaysi ,cadaadis & cabudhin marlabaad? maya musiibadii soomartay shacabka Ethiopia 21kiisano ee tagtay waxay ahayd mid aad udaran dhaqaalo-darro musuqmaasuq aabayeel-darro.

Dadka Ethiopianka ahi waxay wadnaha farta ku hayaan maxaa kadanbayn kaligitaliye Zanawe, umalayn mahayo mustaqbalka &duruufta ethiopia inay sidii hore iskabdalayso haday kooxda cabudhiska &cadaadiska kasamaysan gacanta kusiihayso,
sababtu waa maxay? uma carbisna ethiopia furfurnaanta &dimiquraadiyadda shacabka,waxakaliya ee aysookala dhaxlijireen waa cabudhis &gumaysi Ethiopia waxaa loobadin hayaa isbadal badan inuusan ku iman haynin waayo? [dumaali waxay dhashaa inan-dumaaleed]

caqabadaha horyaalo cabudhiska tikree.

TPLF haday iyadu ismahadisay kuna tartamayso inay marlabaad siihayaan xilka maxaa ka hor iman kara?
1-waxaa saamayntiisa leh dhamaan shacabka ree ethiopia ee cadaadisku sookaray sida oromiya, amhara, iyo shucuubta koonfureed,
2-waxaan indhaha laga laaban karin xoogaga hubaysan ee xornimo doonka aha sida ONLF, OLF, EPLF, BPMLF,, Hadaba waxa aad u ad kaan maanta in la isukeeno.Ethiopia xaaladuna manoqon doonto sidii1991,
3-waxaakale oo aan indhaha lagalaaban karin Dawladda eritrea Oo xornimadeeda kaqaadatay ethiopia 1993 ilaa iyo haddana muran iyo khilaaf xuduudeed kadhexeeyo laganayaabo inay taageerto shacabka dulman ee Ethiopia,
hadaba maanta xoog malagu maquuninkaraa shacabka Ethiopia? haa, hadii ciidanka ethiopia mid noqdo waxaa guulaysan ciday taageeraan, manadhicikarto inuu nin iska fuulo kursiga madax tooyadda ilaa uu helo awoodda xoogaga cabudhiska ugu yaraan hadda marxalada lagu jiro,

Awoodaas ciidan waxay keeni kartaa golduleello badan sida dagaal sokeeye oo kadhex bilawda ethiopia waxayna dan utahay dagaalka bilawdaa Ethipia shacab-waynaha somalida ogadenia sababtoo aha ogadenia ma aha ethiopia dhaqan iyo dhaqaalena mawadaagaan, waxayna leeyahiin jabhadda ugu xoogabadan ee ladagaalanta ethiopia, hadii uu laangaabku laangaabka u dhiibto si uu ugu dul maamulo waa qarax labaad (Hayle Maaryam) waa laangaab kadhashay qabiilka hadiya, xaaladuna waxay noqon kadaroo dibi-dhal hadaan sookoobno hadalka caqabadaha hortaagan Tigree waxaa kamida,
1-danbiyadii uu kagalay shucuubta ethiopia 21sano taas oo lagayaabo inay isubadasho aarogoosi,
2-ciidamadii cabudhiska saaraakiishoodii oo isku dhacasan.

Gabogabadiii Ethiopia way udhamaatay, inay tolkood usoo gurmadaan mooyee [ree galbeed]
reer galbeedku waxay rabaan inaysan ethiopia burburin dadaalbadana way kubixin hayaan, waxaa suurta gal aha inay si toos ah usoofaragaliyaan americanku si ay isugu dayaan inaydajiyaan xaaldda waxaa suurta gal aha inay kudhawaaqaan xukuumad kumeel gaadha, waxaa suurta gal aha inay mideeyaan mucaaradka Ethiopia balse maxaynoqon xaalada reer Ogadenia?
xaalada ree ogadenia waxay noqon kolba tabartooda iyo tayadooda ciidan maskaxeed iyo diyaarinta shacabka sida ay noqoto.

Qore
Al-ustaad C/fataax Med Ibrahim