Mid kamid ah Wargeysyada ugu afka dheer Waddanka Britain oo soo daabacay Ciidamo Ingiriis ah oo ka qeybqaadanaya Dagaalka Soomaaliya, Iyo weliba Carruur Soomaaliyeed oo ay askareeyeen.

Jariidadda The Times oo kamid ah Wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa Waddanka Britain ayaa si rasmi ah ubaahisay Muuqaallada Ciidamo Kasocda Dowladda Ingariiska Kuwaasi oo laciyaaraya Carruur Soomaaliyeed, iyagoo Ciidamadaasi Booqasho kutagay Xerooyin ay kusuganyihiin Dad Barakacayaal ah oo kuyaalla inta Udhaxaysa Carbiska iyo Siinka Dheer ee Duleedka Muqdisho.

Wasiirka Gaashnidhigga Dowladda KMGka ah oo lahadlay Jariidada The Times ayaa u xaqiijiyay in Ciidamo Kasocda Dowladda Ingariiska ay ku suganyihiin Gudaha Soomaaliya isagoo kugaabsaday inay yihiin Ciidamo Tabarayaal ah.

Waxa laga dheehan karaa Muuqaallada ay baahisay Jariidadda The Times Carruur Soomaaliyeed oo ay Askareeyeen Ciidamada Shisheeye ee AMISOM iyo kuwa Ingiriiska ka socda oo haatan aad mooddo in ay kasoo baxeen isqarintoodii hore.

Shirkii Dhawaan kadhacay Waddanka Talyaaniga ayaa Reer Galbeedku waxa ay Dowladda KMGka ah iyo AMISOM ku canaanteen inay Askarayso Caruurta, Arrinkaasoo haatan Caddeymaheedu ay ka muuqdaan Wargeysyada Adduunka.