Duulaanka lagu yahay DIINTA,dadka iyo dalka “Muuqaalo kala duwan”

Ciidamo NATO ah oo lagu arkay duleedka Magaaladda Muqdisho!!
Waxaa Maanta degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee duleedka ka ah Muqdisho lagu arkay ciidamo NATO ah.

Ciidamada NATO ayaa la xaqiijiyey in ay garabsiiyaan ciidamada kale ee Afrikaanta ah kuwaasi oo ku soo duulay dalkeena Soomaaliya si ay uga hortagaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee ka hana qaaday Koonfurta dalkeena Soomaaliya ee Muslimka ah.

Ciidamada NATO ayaan si rasmi ah u sheeganin in ay ka dagaalamaan gudaha Soomaaliya, balse waxa ay si xad dhaaf ah ugu sugan yihiin Badaha Soomaaliya ayaga oo halkaas u jooga sidii ay ula dagaalami lahaayeen waxa ay ku sheegeen Muslimiinta mayalka adag iyo Burcad badeedda.

Muqdisho oo uu Maanta ka furmay Shirkii Ansixinta Dastuurka iyo Mahiga oo Ramadaanka Dastuur noo Dejinaya!

Mahiga, Labada Shariif Iyo Gaas oo hadallo dhaadheer ka jeediyay kulanka Maanta furmay ee la doonayo in lagu soo xulo Ergooyinkii ansixin lahayd Dastuurkan lagu muransanyahay ayaa waxay Maanta ku tilmaameen Maalin taariikhi ah, Sida ay hadalka u dhigeen, Iyagoo tilmaamay dhammantood in Dastuurkan uu yahay mid Ummadda Soomaaliyeed ay kaga baxayaan Kumeelgaarnimo.
Augustine Mahiga oo hadal ka jeediyay Shirka ayaa ku dooday inaan la illoobin saamiga ay haweenku ku leeyihiin dowladda, isagoo sheegay in shirkan in lagu qabto Muqdisho ay dadaal badan u soo galeen Haweenka, ayna ugu dambeyn ku guuleysteen.
Labada Shariif oo iyagana halkaas ka hadlay ayaa Mahiga ku raacay in Haweenka aan la illoobin islamarkaana aan la moogaan Dadaalka ay usoo galeen Dastuurkan, Iyagoo ku baaqay in la dadajiyo Ansixinta Dastuurka, Waxana ay ku doodeen in Qaladaadka Dastuurka ku jira Sixitaankoodu ay u taallo Baarlammaanka soo socda Balse haatan aysan Odayaashu u oolin, Waa sida ay ku doodeene.
Isku soo wadaduuboo, Waxa Muqdisho Maanta Mahiga iyo Saaxiibadiis ay uga fadhiyaan Odayaasha Dhaqanka in ay sii daayaan Dastuurkaas ay ku dheggan yihiin oo Ergadii Ansixin lahayd loo gudbiyo, Dabadeedna ay sidaas ku ansixiyaan, Waxase isweydiin mudan Qaabka Ummadda Soomaaliyeed looga daadajin lahaa Dastuurkaas aan meelna ka haysan Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Qarannimada Soomaaliyeedna Haadaan weyn ka ridaya.