Maxaad kala socotaa dhaqan xumada Turkigu ka wado Iskoolaadka Muqdisho?

Turkiga oo qayb ka ah dowladaha fara galinta xoogan ku yaha ummaddan Muslimka ah ee Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe sii kobciyay dhaqan xumo uu kawado magaalada  kadib markii uu furtay Iskoolaad u gaar ah oo uu ku faafiyo maadooyin dhaqan xumo Xambaarsan shareecada Islaamkana kasoo horjeeda.

Maadooyinka ugu halista badan ee laga bixiyo Iskoolaadkaasi waxaa ka mid ah Xiisad lagu baranayo Muusikada taasoo ardayda oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba maalin walba ay ku qaataan gudaha Iskoolaadkaasi.

24820143

Xiisada Muusikadu waxa ay ka baxdaa dugsiyo badan oo Turkigu ay gacanta ku heyaan waxa ayna ku yaalaan inta badan degmooyinka gobalka Banaadir waxana ugu dambeeyay schoolka Gen,Daa,uud ee ku yaalo degmada Yaaqshid, kaasi oo dhawan turkigu dib u furtay.

Maadadan waxa bixiya macalimiin gaar ah oo ay turkigu keeneen kadibna waxaa ardayda lagu amraa in ay ku garaacaan Muusikada dugsiga gudihiisa, iyadoona ardayda lagu dhiiri galinayo in maadadan dhibcooyin badan lagu bixinayo ayna tahay maadadani mid cusub oo horumar xambaarsan.

Iskoolada lagu barto garaacista Muusikada waxaa dhigta arday aad u badan, taasoo lagu sababeeyay in inta badan ardaydaasi lacag la’aan looga dhigay waxbarashada isla markaana loo ballan qaaday in loo qaadi doono dalka Turkiga oo halkaasi jaamacad lagu siin doono.

24683573

Talaabadan ayaa muujineyso in Turkigu yahay dal dhinaca dhaqanka ka dhintay oo aanay waxba is dhaamin gaalada kale ee Yurubta ay ka wada tirsanyhiin, ,iyadoona kal hore qeybaha bulshada Soomaaliyed ay ka digeen dhaqan xumida ka taagan Muqdisho iyo dagaalka dowlada Turkiga ay kula jirto shareecada islaamka iyo horumarka bulshada sida dhanka ganacsiga, waxana lagu xasuustaa raashinkii dhacay oo bilo ka hor ay keeneen magaalada Muqdisho, kaasoo dad badan ay ku sumoobeen.

24580850