Ciidamada Itoobiya oo Ka Cararay Degmada Halgan

ctikoxrxyaaypsc

Wararka laga helayo  gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay gabi ahaanba faarujiyeen degmada Halgan ee istiraatiijiga ah.

Ciidamada Itoobiya ay saaka aroortii hore isaga baxeen saldhigyadii ay uga sugnaayeen Degmada Halgan oo qiyaastii 45 KM ujirta magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan.

 Ciidamada Itoobiya ayaa ka hor intii aysan isaga bixin Halgan waxay burburiyeen oo ay gubeen saldhigyadii ay magaalada uga sugnaayeen.

Shalay gelinkii dambe ayay Xabashidu hawada ka saartay isgaarsiinta magaalada Halgan, warar kale ayaa sheegaya in Itoobiyaanku ay dhaq dhaqaaqyo ka bixitaan ah ka wadaan degmada Maxaas ee isla gobolka Hiiraan.

Kumanaan katirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa u jihaystay dhanka magaalada Beled weyne waxaana la filayaa in ay ugasii gudbaan xadbeenaadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dhulka Somaligalbeed.

Boqolaal qof oo kamid ah shacabka magaalada Halgan ayaa bilaabay in ay dhigayaan dabaal degyo ay kusoo dhoweynayaan dib u xuroobidda magaaladooda.

News From Somalia-SOMALI LEAKS
Advertisements

Ciidanka gumaysiga Ethiopia oo Qabridahare isku laayay & saraakiil Tigree ah oo dagaalkaas lagu dilay

image(1)

Wararka laga helayo gobolka Qorahay ee dalka Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaal dhex maray ciidanka gumaysiga Ethiopia ee magaaladasa ku sugan waxaana ku dhimtay 4 sarkaal oo taliyihii ciidanka gumaysiga ee Qabridahare ku jiro & askar badan, dagaalka ciidanka gumaysiga ayaa dhex maray askar Oromia ka soo jeeda & kuwa Tigega waxaana lalaayay ku wa Tigreega oo qaab qorshaysan loo laayay.

Dad xog ogaal ah oo Qorahay Media u waramay ayaa sheegay in uu dagaalku ka dhashay isku day lagu doonayay in ciidan xili habeen badh ah loo qaado gobolada kacdoonku ka socdo ee Oromia & Amhaara waxaana arrintaas ka hor yimid askarta Oromada ah oo ku adkaystay in aysan shacabkooda xasuuqaynin, halkaas waxaa isku faro saaray askarta Oromada ah & Tigreega koox askarta Oromada kamid ah ayaana rasaas ooda kaga qaaday saraakiishii ciidanka horjoogeyaasah u ahayd.

Dhacdadaas kadib waxaa xabsi loo taxaabay 100 askari oo qowmiyada kacdoonka hogaaminaysa ee Oromo ka soo jeeda waxaana Saraakiisah & askarta Tigreega soo food saartay cabsi hor leh, ciidanka gumaysiga ee Ogadaeenya ku sugan ay u kala safanyihiin Tigreega oo dhinac ah & qowmiyadaha kale oo dhinac ah waxaana ciidanka gumaysiga ka dhex socda hardan hoose & dagaal muuqda labadaba,

Sikastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee saraakiil & askar ciidanka gumaysiga ka tirsan ay dagaal dhexdooda ah isu jilib dhigaan balse dhacdadan Qabridahare todobaadkan ka dhacday kuwii hore way ka duwantahay,arrintani waxay cabsi ku abuurtay ciidanka Tigreega ah oo si toos ah loo bartilmaameedsanayo meel kasta oo ay joogaana lagu tooganayo waxayan dhacdadani  muujinaysaa si cadna daaha uga qaadaysaa dagaalka qoomiyadaha Ethiopia la isku odhan jiray in uu meel halis ah gaadhay.

Qorahay Media

SAWIRO:-Alshabaab oo Soo Bandhigay 6 Askari oo ka Goostay Kismaayo

askar-isa-soo-dhiibtay
Shalay magaalada Jilib waxaa lagu soo bandhigay lix nin oo hore uga tirsanaa  Maleeshiyaadka Maamulka Jubaland ee horjoogaha uu ka yahay Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah raggan ayaa ahaa istaafka wasiirka Arimaha gudaha, halka qaar kalena ay ahaayeen istaafka gudoomiyaha magaalada Kismaayo, sidoo kale  mid ka mid ahina wuxuu soo goostay kadib markii uu khaarajiyay oo uu dilay mid ka mid ah saraaakiisha Axmed Madoobe.

Raggan  ayaa ka warbixiyay dulmiga meesha ka jira iyo sida aysan cidina uga badbaadayn xasuuqa lagu hayo dadka Kismaayo, dhammaantood waxay isku raaceen in ay ciidamada u galeen si naftooda ay uga badbaadiyaan maleeshiyaadka Axmed madoobe oo qof kasta oo magaalada ku sugan uusan ka nabad galayn, waxayna fashiliyeen oo shaaca ka qaadeen in magaalada Kismaayo hadda dagaal hoose uu ka socdo oo jufo jufo la isku dilayo.

 

ciidamo-kismaayo-iska-soo-dhiibay1

ciidamo-kismaayo-iska-soo-dhiibay2

ciidamo-kismaayo-iska-soo-dhiibay5

DAAWO:-Males Zanawi oo Intuusan Bakhtiyin Sheegay In Hadii Shacabku Kacaan Aan La Hor Istaagi Karin.

Kaligii taliye Males Zanawi ayaa intuusan bakhtiyan wuxuu horay u sheegay in hadii shacabku kacaan aan la hor istaagi karin asagoo ka hadlaya telefesionka ku hadla codka gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in tusaale ay u tahay shacabka Eritrea in ay hor istaagi kari waayeen markii ay xoriyad u istaageen.

Sidaas si lamida wuxuu sheegay in shacabka Oromiya uu aad u badan yahay maalinta ay kacaana aan la hor istaagi karin wax walba hadii lasameeeyo waxaad moodaa hadalki kaligii taliye males in maanta uu ka socdo gudaha wadanka Itoobiya taasoo xukuumada hada jirta ay u taag la dahay shacabka Oromiya oo u diyaar garoobay inay heer yada gumaysiga is wadar ah isaga dul qaadaan.

ONA.

SOMALIA Xor Ma Tahay!

pizap.com14766140243051.jpg

Kuwii dalku waa xor lahaa maxay oranayaan maanta?

Buuryo qabka Ingiriiska ah ee golaha qurmay”UN”  u jooga Soomaaliya Keating  ayaa amar ku bixiyay in Cabdi Qeybdiid aanuu Xildhibaan noqo karin oo dagaal ooge yahay xilli shalay aqalka sare lagu daray.

Sidoo kale Puntland ayaa laga dalbaday in aanay Moorgan ku soo derin xildhibaanada iyadoo Jubbaland laa dalbaday in aanay Cabdifitaax Maxad Cali madaxiii hore ee Maaliyadda iyo Warfaafinta ee Xisbul Islaam ayina aqalka sare lagu soo derin.

Warqadda hoose Galmudug bay ku socataa

Qore :Wariye Cabdulaahi Soomaali.

Diyaarad Basaas Ah Oo Kusoo Dhacday Duleedka Kismaayo

Diyaarad basaas

Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose ee dhanka Konfur Galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay diyaarad nooca duuliye la’aanta ee basaaska ah ay kusoo dhacday duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.

Diyaarada ay kusoo dhacday deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo taasi oo ugu dambeyntii gacanta ay ku dhigeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo.

Warar hoose ayaa sheegaya in diyaarada basaaska ah ee soo dhacday ay leedahay dowlada  Mareykanka’iyadoona diyaarada ay kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaaalada Kismaayo.

Dhowr jeer waxaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalada dhaca Konfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya kusoo dhacay diyaarado badan oo duuliye la’aan ah kuwaasi oo badankooda gacanta ay ku dhigeen ciidamadaAlshabaab.

Maamulada tabarta yar e federaalka ma awoodaan inay garaan ama gacanta ku soo dhigaan diyaaradahaas markay ku dhaceen meel u dhaw.

News From Somalia-SOMALI LEAKS.

Ciidamada Itoobiya Ee Ku Sugan Degmada Maxaas oo Tigree iyo Amxaaro Ukala Qeybsamay.

28692311573_d4da0ea2d6_k.jpg

Kala qeybsanaanta baaxadda leh ee u dhaxaysa qowmiyadaha wada dega wadanka Itoobiya ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay melleteriga dowladda Itoobiya.

Markii ugu horraysay ciidamada Itoobiya ee xoogga ku jooga dalka Soomaaliya ayaa dhaxdooda dagaallamay, wararka ka imaanaya magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka Xabashida ee magaaladaasi ku sugan ay dhaxdooda is dileen.

Qof ku sugan Maxaas ayaa soo sheegay in rasaas xooggan ay ka maqleen saldhigyada ciidamada Itoobiya, saraakiil katirsan Qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega ayaa la sheegay in ay dhaxdooda dagaallameen.

 Dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay isku gaysteen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadii dagaallamay loo daabulay dhanka degmada Guriceel ee gobolka Galguduud waxaana loogasii gudbin doonaa magaalada Jigjiga.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Itoobiyaanka ku wehliya duullaanka degmada Maxaas ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee dhaxdooda dagaallamay uu murun xooggan u dhaxeeyay maalmihii lasoo dhaafay, labada ciidan ayaa isku maandhaafay dhacdooyinka dhiigga badan ku daatay ee gudaha Itoobiya ka socda.

Degmada Maxaas ayaa laga hadal hayaa isku dhaca dhaxmaray askarta iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya, askarta kasoo jeedda qowmiyadda amxaarada ayaa ka caraysan xasuuqa ay dadkooda kula kacayaan ciidamada Tigreega.

Waxaa la saadaalinayaa in haddii kacdoonada Itoobiya sii socdaan uu kala daadan doono melleteriga Xabashida Itoobiya oo lagu tiriyo ciidamada ugu awoodda badan wadamada dhaca Bariga qaaradda Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi